Warbixinta Golaha dowladda ee horumarinta kala-sarrayn la’aanta, sinnaanta iyo takoorid la’aanta bulshada Finnishka dhexdeeda ah
In: URN:NBN:fi-fe20230829111992; URN:NBN:fi-fe20230914126190; (2023)
unknown
Zugriff:
Finland waxay horumarinaysaa hirgelinta dimuquraadiyadda, mabada’a dowlad qaanuun ku dhisan iyo xuquuqda aasaasiga ah iyo tan bani’aadamka. Bulsho kalsooni qabta iyo xiriirka dadka ee wanaagsan waxay dhalanayaan, marka qofkasta oo Finland joogo uu ku kalsoonyahay hirgelinta xuquuqdiisa, sinnaanta dadka kala jinsiga ah iyo sinnaanta loo simanyahay sharciga, takoorid la’aanta iyo fursadda uu saamayn kula yeelan karo jihada ay noloshiisu u socoto. Xukuumaddu waxay qawlqaadday horumarinta sinnaanta iyo takoorid la’aanta iyo weliba qabashada shaqo lagu yaraynayo cunsuriyadda. Xukuumaddu waxay doonaysaa in hawshaas ay ballanqaad uga hesho bulshada Finnishka ah oo dhan. Waxay dadka oo dhan qayb ka noqon karaan dhisidda Finland uu qofkasta ugu noolaal karo nabad iyo aqbalaad. Xukuumaddu waxay baarlamaanka u gudbisay 31.8. warbixintan lagu kordhinayo sinnaanta iyo takoorid la’aanta. Markii la diyaarinayay warbixinta waxaa si weyn loo dhegeystay qiyaastii boqol wakiillo ah oo ka socday bulshada rayidka ah, cilmibaarayaal iyo hawlwadeennayaal kale oo muhiim ah. Iyadoo lagu salaynayo dhegeysiyada la sameeyay ayaa waxaa hogatusmoobay waxqabadyadii horay loogu heshiiyay ee ku jiray qorshaha xukuumadda
Titel: |
Warbixinta Golaha dowladda ee horumarinta kala-sarrayn la’aanta, sinnaanta iyo takoorid la’aanta bulshada Finnishka dhexdeeda ah
|
---|---|
Link: | |
Quelle: | URN:NBN:fi-fe20230829111992; URN:NBN:fi-fe20230914126190; (2023) |
Veröffentlichung: | fi=Valtioneuvosto|sv=Statsrådet|en=Finnish Government|, 2023 |
Medientyp: | unknown |
Schlagwort: |
|
Sonstiges: |
|